Waxa lagu Xidhay Markii Aad La Dooday Dameer!

0

Waxa maalin ku murmay midabka dhirta nooca ayaa tahay Dacawo iyo Dameer. Dacawadu
waxay tidhi “ Midabka dhirtu waa doogo “. Dameerka ayaa isna yidhi midabka dhirtu waa
boodhe. Markii uu murankoodii adkaaday ayay isula tageen Libaax oo ah boqorka xayawaanka , markii ay arintii uu sheegeen ayuu Libaaxu oo ah boqorkoodu soo saaray go’aan ah in dacawadu khaldan tahay oo la xidho muddo bil ah.

Dameerkiina wuxu ku yidhi iska tag adigu waad saxantaye. Dacawadii xukunkii way qaadan kari weyday Dacawdu waxayna ku tidhi liibaaxi “ Miyaanay dhirta midabkeedu ahayn Doogo “?
Libaaxii ayaa ugu jawaabay “ Haa, waa sidaasi oo waa doogo “. Dacawada ayaa ku celisay oo tidhi “ Oo haddii ay sidaa tahay maxaad ii xidhay ee aad kiiska iigu qaaday ?”
Libaaxii ayaa ugu jawaabay “ Waa runtaa oo waa doogo, laakiin waxaad ku khaldantahay
markaad la dooday Dameer oo aad ogtahay caqli xumadiisa” Xikamaduna waa ha la doodin kuwa maangaabka ah.

fariin noogu reeb