Waxay U Shegeen Bilo Yar Inuu Noolaanayo!
Xogside – Nin dhalinyaro oo xanuunsan ayaa tegay isbitaal ku yaalla dalkiisa waxaana ay u sheegeen baadhis ka dib inuu hayo xanuunka kansaraka oo muddo dhowr bilood ka dibna uu dhiman doono.
Ninkaasi ma dhiman laakiin 10 sano ka dib ayuu tegay dhakhtarkii si uu ugu sheego dhakhaatiirta inuu weli nool yahay, nasiib daro wuxu la sheegay in dhakhaatiirta uu doonayo ee baadhay maalintaasi ay dhamaantood dhinteen. Da’da ninkan ayaa gaadhay 102 sano. Qofkuna wuxu dhintaa marka Allah xagiisa ay ka soo dhamaato.
Dhinaca kalena , Sanadkii 2010 ayay sirdoonka Ingiriisku ka heleen maydka nin ku tirsanaa qolkiisa. Ninkan ayuu maydkiisu ku jiray shandadaha qufulka leh ee la dhex galo isagoo gudaha ugu jira, isla markaana ku dhex dhintay.
Markii ay baadhis ku sameeyeen booliiska magaaladu kiiskan, waxay ogaadeen in isaga laftiisu uu si kama’ ah isugu xidhay shandada, ka dibna waayay qof ka fura, taasina ay sababtay geeridiisa. Qofka kasta nooca iyo wakhtiga Allah qadaro ayuu ku dhimanayaa.