Wuxu Dhintay Markii Maskaxdu Daashay!

0

Dalka Taiwan nin dhalinyaro oo 32 jir ayaa dhintay ka dib markii u saddex maalmood oo isku xigta ku ciyaarayay game Computerka ah, xarun Internet oo ku taala dalkaasi. Dhimashadan ayaan ah tii labaad ee dalkaasi noocan oo kale uga dhacda muddo hal sano gudahood ah.  Ninka iska lahaa xarunta ayaa ogaaday dhaqdhaqaaq la’aanta ninkani oo wakhtigaasi ku jiifay kursigiisa, iyagoo macmiisha intooda kale ay u malaynayeen inuu hurdo.

Wuxu dareemay in aanu neefsanayn taasi oo keentay in dhakhtarka loo cararo laakiin markiiba dhakhtarka  ayaa cadeeyay inuu mayd yahay ninkani.

Dhakhatar ayaa baadhis ku sameeyay kaasi oo sheegay inuu u dhintay xanuun wadnaha ah oo uu sababay fadhigiisa dheer ee qaatay saddexda maalmood kaasi oo keenay inay maskaxdu daasho oo xidhiidhkii ka dhexeeyay jidhka ay  dhaqaajin weydo.

fariin noogu reeb