Dawladda Kasakhistan ayaa tuulo ku taalla waqooyiga dalkaasi ka rartay dadkii degenaa ka dib markii uu asiibay xanuun aan la garanayn. Xanuunkan ayaa ku ridaya dadka hurdo dheer maalintii, isagoo goobta uu joogo qofka lulo ku qabanayso, ka dibna aan toosayn.
Warbixino saxaafaddu shaacisay ayaa sheegay in dadka degan magaalada Kaltshi 10% uu asiibay xanuunkani. Dadka xanuunkani ku dhacay ayaa ka cabanaya arrimo badan oo ay ka mid yihiin xusuus la’aan, ladaadyo , wareer iyo muuqaalo khayaali ah oo u muuqanaya.
Xanuunkan ayaa keena in toddoabaad dhan uu qofku hurdo, oo cuntada aanu u kicin haddii aan loo toosin. Sida lagu daabacay wargeyska, warbaahinta xanuunkan ayaa ku bilowda inuu qofku dhuubto, ka dibna ugu danbaysata ku biyo shubto hurdadaasi dheer oo aad geerida u dhaw.
Culimo badan oo aqoon u leh fayruska, iyo sunta jidhka ayaa booqday deegaankaasi iyagoo baadhis ku samayanaya ciida, hawada iyo biyaha deegaanka. Waxa kale oo ay baadhayaan cidiyaha, timaha iyo dhiiga dadka xanuunkani ku dhacay, laakiin ilaa hadda may soo saarin wax natiijo ah. ( Source: Al-Mujatamac