Xidhiidhka Ciyaaraha Ee Gobolka Awdal Oo U Qori Tuurtay Tartanka Horyaalka Kubadda Cagta Heerka Koowaad
Hargeysa (Xogside) – Munaasibadda qori tuurka loogu samaynay tartanka kubadda cagta ee kooxaha heerka kowaad ee gobolka Awdal ayaa waxa goob joog ka ahaa mas’uuliyiinta xidhiidhka kubadda cagta, agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha iyo maamulka kooxaha heerka kowaad ee gobolka Awdal.
Ugu horreyna waxa goobtaasi ka hadlay isu duwaha wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha gobolka Awdal Cabdillaahi Siciid Nuur oo sheegay inay u guurayaan hadda isboortiska casriga ah ee dunida ka jira kaasoo uu sheegay inuu culeyskiisa leeyahay, waxaana uu ugu baaqay dhallinyarada inay ilaaliyaan shuruucda ciyaaraha isla markaana ay qaataan talada wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland.
Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta ee Somaliland Fu’aad Axmed Cali oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in waa cusub uu u soo kordhay ciyaaraha Somaliland oo ay ku dhiqi doonaan shuruucda casriga ah ee dunidu ku dhaqanto, isagoo ugu baaqay kooxaha kubadda cagta inay la jaanqaadaan habkaasi cusub isla markaana ay maanka ku hayaan in laga guuray habkii hore ee duugga ahaa.
Ugu dambayn, waxa hadalka soo afmeeray agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Cabdirashiid Caydiid Yaasiin, waxaana uu sheegay in wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland ay qaadatay siyaasad ah in ciyaaraha Somaliland ay ka muuqdaan gobollada dalku, isagoo sheegay inay ku dedaalayaan sidii wasaaradaha iyo hay’adaha ay magacooga ku ciyaaraan dhallinyaradaasi ay ugu darsan lahaayeen miisaaniyaddooda kharashka ku baxa horyaallada ciyaaraha dalka.