Xiisaha Xog-Raadintu Waa Hubka Sirta Ah Ee Hogaamiyaha

0

Hogaamiyuhu arimaha uu baadhayo wuxu adeegsadaa xog raadin xeel dheer oo ku fadhida hab cilmiyaysan oo ka fog male, shaki iyo been iyagoo ka faa’iida arimahan:

  1. Hogaamiyayaasha xogo-raadinta badani waxa ay daboolaan daaqadaha jawaabaha; waxana ay furaan dhamaan albaabada su’aalaha. Iyagoo jawaabaha xidha Mararka qaarkoodna jawaabaha ay ku siiyaan waxay isku rogaan dood.
  2. Hogaamiyayaasha wax raadinta xiisaha u hayaa inta badan waxay muujiyaan kalsooni buuxda. Laakiin hogaamiyayaasha jilicsani kuma weydiinayaan su’aal sababta oo ah waxay ka cabsi qabaan kalsoonidooda oo liita dartii. Hadii aad rabto inaad noqoto qof isku kalsoon, marka aad qof su’aal waydiinayso waxa aad tidhaahdaa, “maxaa intaa sii dheer?”
  3. Xiisaynta raadintu waxa ay sare u qaadaa heerka bulsho ee qofka. Ninka la yidhaahdo Thoreau, waxa uu leeyahay, ámmaantii ugu wayneyd ee abid aan la kulmaa waxa ay ahayd, marka la iwaydiiyo waxa aan ka fekerayo marka aan jawaabta raajiyo. Dhegaysigu dadka sare ayay  u qaadaa.
  4. Hogaamiyayaasha raadinta xiisaha u qabaa waa kuwo dadka u muujiya xiise farobadan, waxana ay dadka laabtooda ka buuxiyaan rajo farobadan. Sida Napoleon uu leeyahay, “hogaamiyayaashu waa kuwa dadka rajo kula baayactama”.
  5. Hogaamiyayaasha raadinta xogta xiisaha u qabaa waa kuwo dadka ka soo qoda aqoon. Su’aasha wanaagsani waxa ay daboolka kaaga qaadaan inaad fahanto xaaladaha jira iyo caqabadaha ku xeeran.

 

 

fariin noogu reeb