Xikmadaha hadalka
- Xogside – Dadka aqoonta lehi waxay ka fadilan yihiin dadka jaahiliinta ah sida qofka dhintay iyo qofka nooli u kala mudan yihiin.
- Qofka naftiisa ka waabiya wax kasta oo ay jeceshay wuu ka adag yahay qof jebiyey cadawgiisa, waayo guul waxaa ugu saraysa adigoo naftaada ka adkaada,
- Markaad mar walba naftaada ka dhaadhiciso inaad saxan tahay ogow waa marka aad khaldan tahay.
- Markad hawada neefsanayso dadkoo dhamina waa kula wadaagaan,
- Waxa aanad shaqo ku lahayn oo aad gashaa waa adigoo galay dagaal aanad hub guushiisa.
- Geedka midhaha badan, dad badan ayaa hareero taagan.
- Marka ay dhamaato rajadu xanuunka iyo werwerka ayaa bilaabma
- Ku dedaal inaad gasho albaabka furayaasha badan leh.
- Garaacida badani quraarada way burburisaa laakiin xadiidka way qurxisaa.
- Ka fagow wax yar qofka cadhada badan, ka aamusana weligaa
- Kelmada runta ahi  maaha leeb laakiin waxay jeexdaa  xaqiiqada.