Xikmadaha nolosha

0
Xogside –  Xikmadaha nolosha
  • Xikmaddu waa inaad garato waxa aad samayn doonto, xirfadduna waa inaad fahanto qaabka aad u samaynso, guushuna waa inaad hawsha ku dhaqaaqdo
  • Garashada xaqa ayaa xikmad ugu horaysaXikmadaha nolosha
  • Dadku waxa u muuqda dhaawaca korkaaga ku yaal, laakin xanuunka uu kugu hayo adiga keliya ayaa og.
  • Halis aad hal mar waajahidid, ayaa ka wanaagsan cabsi joogto ah.Xikmadaha nolosha
  • Caqliga inta kaa maqani waxay ku jirtaa walaalkaa ee la tasho.
  • Haku mashquulin wax aanad haysan, si aanad u waayin waxaad haysato.
  • Wakhtigu qofna ma bedelo, laakiin wakhtigu wuxu muujiya xaqiiqda qofka.
  • Dadka dhamaantii hakula dhaqmin dabeecad keliya oo isku mid ah waayo cudurada ma kaxayso dawo keliya.Xikmadaha nolosha
  • Biyaha macaan ee samada ka soo da’aa waxba kama bedelaan biyaha dhanaan ee badda, kalsooni nafta sii, adiga ayaa isbedeli karaa, laakiin cidna kuma bedeli karto.Xikmadaha nolosha

Xikmadaha nolosha

fariin noogu reeb