xikmadda qiimaynta noolaha | best 1

0

xikmadda qiimaynta noolaha

  • Geedka waxaa lagu qiimeeyaa midhaha ama hadhkiisa, dadkana waxaa lagu qiimeeyaa ficilada ay sameeyaan. Camalka wanaagsan marna ma khasaaro.
  • Qofka samaysta Akhlaaq iyo hab dhaqan wanaagsan wuxuu goostaa midhaha xushmada iyo jacaylka dadka iyo ixtiraamkoodaxikmadda qiimaynta noolaha
  • Iska jir cadhada keligaa ayay dhaawacaysaa. Maxaad u cadhoon ? Hadii aad saxan tahay looma baahna in aad cadhooto, hadii aad khaldan tahay xaqba uma lihid in aad xanaaqdo
  • Khaladka ugu weyn ee dadku sameeyo waa: waxay dhageystaan kala badh, waxay fahmaan rubuc, waxay sheegaan laba jibbaar wixi ay maqleen .xikmadda qiimaynta noolaha
  • Caqabaduhu kuma joojin karaan Dhibaatada kuma joojin karto, Dad wax kaa sheegay kuma joojin karaan, adiga keligaa ayaa naftaada joojin kara oo ma gudbe ka dhigi kara.
  • Dad qaarkii waxay isku dayaan in ay muujiyaan wixi kaa khaldan sababtoo ah ma xamili karaan wanaaga iyo waxa saxda ah ee aad samayso.xikmadda qiimaynta noolaha

 

 

fariin noogu reeb