Xikmadda

0

Xikmadda – XogsideXikmadda

  • Haddii uu Jaahilku aamusi lahaa, dadkuba isma khilaafeen.Xikmadda
  • Raganimadu maaha in lagu gefo dumarka, caruurta, saboolka iyo masaakiinka, raganimadu waa in afartan la ixtiraamoXikmadda
  • Caqligu xad buu leeyahay, laakiin nacasnimadu xad ma leh.Xikmadda
  • Dadku waxay arkaan nabarka madaxa kaga dhacay laakiin ma dareemayaan xanuunkiisa.Xikmadda
  • Nin Xakiim ah ayaa la weydiiyey: waa maxay xikmad ? Waxa uu yidhi: Waa kala saarida waxaad taqaan iyo waxaanad garanayn.Xikmadda
  • Fariidka caqligiisa ayaa ka horeeya carrabkiisa, Nacaska Carabkiisa ayaa ka horeeyay caqligiisa.Xikmadda
  • Cadaali noqo ka hor inta aanad noqon deeqsi
  • Haddii aad rabto inaad dadka ku faraxdo, ula dhaqan sidaad jeceshahay inay kuuula dhaqmaan.
  • Xooga is muquuniinta waa dhaqanka dadka xun.
  • Ardaygu ma’aha weel la buuxinayo, laakiin waa shamac ay tahay in la shidayo.

Xikmadda

fariin noogu reeb