Xogside – xikmado Jaceylka Ku Sahabsan
- Qofka oo aynu ku doorano qurux iyo maal ma’aha jacayl, laakin qofka oo aad ceeb kasta ku jeclaato jacayl dheh.
- Jacaylku waa Jaahilnimo heshay qalbi madhan.
- Jacaylku waa saaxiibtinimo dab ku dhex dhacday.
- Jacaylku waa bar nasasho oo aynu ilbidhqsiyo ku hakanno, kadibna nolosheenna sii ambaqaadanno.
- Jacaylku waa tijaabo xasuusteedu waarto, laakiin da’deedu u cimri gaaban tahay sida ubaxa.
- Jacaylku waa is qadarin xumada ugu quruxda badan ee kulmisa lammaane.
- Jacaylku waxa uu metelaa midhaha rummaanka, macaankiisa ayaa qadhaadh ku jiraa, qadhaadhkiisana macaan ayaa ku jira.
- Jacaylku waa xabsi raalli lagu yahay.
- Ninku waxa uu jeclaadaa gabadha uu ixtiraamo, laakiin gabadhu ma’ ixtiraamto qof aanay jeclaan.
- Dhibta jacaylka waxa u sabab ah, ninka oo doonaya in uu noqdo qofka ugu horreeya ee gala qalbiga gabadha iyo gabadha oo doonaysa inay noqoto qofka ugu dambeeya ee gala qalbiga ninka.
- Gabadhu waa jacaylka cadaabta, ninkuna waa cadaabta jacaylka.
- Gabadhu haddii ay jacayl ka ahaa ku fashilanto, nolosheeda inta hadhay waxa ay ku noolaataa xasuusta jacaylkaas laakiin ninku waxa uu ku fikiraa abuurista jacayl cusub.
- Ninku marka uu hanto gabadha ayuu dhammaadaa jacaylkiisu, gabadhuna marka ay ninka hanato ayaa uu jacaylkeedu bilowdaa.
- Jacaylka dhabta ahi waa in aad jeclaato qofka keliya ee awooda in uu kaa dhigo qof murugo ku nool.
- Danayn la’aantu waxa ay dishaa jacaylka, illawguna wuu aasaa.
- Jacaylku waa Suldaan ka sarreeya sharciga.
- Jacaylku waxa uu bogsiiyaa nabarro badan iyo xanuunno, laakiin ha u qaaddan in uu dawo yahay, balse isaga ayaa ah cudur wax kasta ka weyn oo ku illowsiinaya xanuunnada kale.
- Ilmadu waxa ay waraabisaa jacaylka, dhoolla caddayntuna waa ay noolaysaa.
- Jacaylku ma’aha waalli laakiin waalli badan ayaa ku jirta.
- Jacaylka dhabta ahi waa ka aad qiimihiisa garato goor xeedho iyo fandhaal kala dhaceen.