GancsadeĀ maalqabeen ah oo caqli badnaa oo magaalada Baqdaad deganaa ayaa shaqalihiisa midkood uu noqday tuug. Taajirka ayaa isugu yeedhay shaqaalaha maalin waxaana uu u sheegay in si tuuga loo cadeeyo uu mid kastaa oo shaqaalaha kaĀ mid ahi xadhigĀ uu siinayo isla markaana uu beri keeni doono.Ā Waxaana uu sheegay in qofka tuuga xadhigiisu beri uu ka dheeraan doono intii uu ahaan jiray hal taako.
Subixii markii la isu yimi dhamaan shaqaaluhu xadhigiĀ wayĀ keeneen iyagoo caadi ah, laakiin ninkii tuuga ahaa xadhigiisa wuxu ka soo jaray hal taako isagoo doonaya in dheeraadka uu sheegay Taajirku ka maqnaado.Ā Ā Ā Markii ganacsaduhu qiyaasay xadhkihii wuxu yidhi ā xadhigaĀ tuugu wuu gaabanayaaā.Ā Tuugu weligii si fudud ayaa loo qabtaa.