Xisbiga Waddani oo Go’aamiyey In Murashixiinta Gobolka Maroodi jeex ay Ololahooda ku qabsadaan Xafiisyada ay Leeyihiin

0

Guddi hawleedka Xisbiga WADDANI u qaabilsan Arrimaha doorashooyinka ee Gobolka Maroodijeex ayaa shaaciyay habka uu u dhacayo ololaha Xisbiga ee maalintiisa 2-aad oo ku beeggan maalinta Jimcaha.

Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo ah Gudoomiyaha gudi hawleedka Gobolka Maroodi Jeex ee Xisbiga Waddani ayaa sheegay in Maalinta beri ah oo Jimce ah ay tahay Maalintii labaad ee ololaha doorashadda ee xisbiga Waddani waxa uu xusay in iyadoo ay tahay maalin cibaado ay go’aamiyeen in Murashixiintu ay xafiisyadooda kula hadlaan Taageerayaashooda.

Waxaa Kale oo Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid intaas ku daray inay Joojiyeen Gaadiidkii Suuqyada la marin jiray iyo fagaareyaashii la isugu iman jiray taas oo fursad u ah Sida uu sheegay Murashixiinta.

fariin noogu reeb