Xisbiyada mucaaradka ah ee Xisbiga Ucid IyoXisbiga Wadani ayaa si rasmi ah u shaaciyey xildhibaannada ay ku heshiiyeen in ay noqdaan Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland.
Isbahaysiga Mucaaradka ayaa saddex cisho oo xidhiidh ah shirar uga socday magaalada Hargeysa, waxa ayna Shir-guddoonka ay dhisayaan u doorteen.
1- Jagada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo laga soo doortay gobolka SOOL kana soo baxay Xisbiga WADDANI.
2- Gud. Xigeenka koowaad Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax oo laga soo doortay gobolka (SANAAG) Xisbiga Ucid .
3- Gud. xigeenka Labaad Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil oo laga soo doortay gobolka (AWDAL) Xisbiga Ucid