Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ee UCID iyo WADDANI ayaa maanta hadhimo sharafeed ah ku sagootiyay Safiirka Midowga Yurub

0
Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ee UCID iyo WADDANI ayaa maanta hadhimo sharafeed ah ku sagootiyay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsanaa Somaliland iyo Soomaaliya Danjire Mr Nicolas Berlanga oo ay dhammaatay muddaddo xileedki shaqadiisu.
Waxaana kasoo qeyb-galay, Hoggaanka iyo masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI.
Gudoomiyayaasha Xisbiyada UCID Iyo WADDANI, Cabdiraxman Cirro Iyo Faysal Cali Waraabe, oo halkaasi ka hadlay, ayaa danjiraha uga mahadceliyey kaalintii uu ka geystay qabsoomidda doorashadii isku sidkaneyd ee ka dhacday JSL 31kii MAY 2021, iyo sida oo kale kaalmada dhaqaale ee ay Midowga Yurub ku bixiyaan mashaariicaha horumarineed ee laga fuliyo Jamhuuriyadda Somaliland.
Ugu dambeyn, Hoggaanka Xisbiyada Mucaaradka ah ayaa ku dardaaray Danjire Berlnage in ay halkaa ka sii wadaan kaalmada iyo taageerada Midowga Yurub ay la barbar taagan yihiin Jamhuuriyadda Somaliland.

fariin noogu reeb