deeqdaasi qalabka ah ayaa waxay oo ka koobnayd 8 Computer, 1 Printer iyo khad ayaa waxaa Jaaliyadda reer Somaliland ee Seattle washington wakiil uga ahaa Naasir Maxamed Shafad iyo Mukhtaar Murre Warsame kuwaas oo agabkaasi ku wareejiyay masuuliyiinta xarunta Akhriska iyo Qoraalka ee Gabiley Library.
Xubnahan ka wakiilka ah Jaaliyada reer Somaliland ee Maraykan gaar ahaan gobolka Seattle Washington ayaa sheegay inay isu xil qaameen inay wixii karaan kooda ah kaga qayb qaataan sidii loo horumarin lahaa xarunta Akhriska iyo Qoraalka ee Gabiley Library.
Dhanka kale gudoomiyaha iyo maamulaha Gabilay Library Cabdiqadir Muxumed Riiraash Iyo Mustafa Maxamed Xasan ayaa uga mahad naqay Jaaliyada reer Somaliland ee Maraykan gaar ahaan gobolka Seattle Washington deeq ay soo gaadhsiiyee.