Xukunada Yaabka badan: Maxkamad Dil ku xukuntay Daayeer

0

Markii uu gaadhay Daayeerku  xeebaha West Hartbol ee dalka Ingiriiska Sanadkii 1705, isla markiiba waa la xidhay. Waxaana lagu eedeeyay inuu yahay mid u socday basaasid. Eddyantaasi ayaa lagu soo taagay maxkamadda dalka Ingriiska.

Xeer ilaaliyaha ayaa maxkamadda ka hor sheegay inay hayaan cadaymo muujinya inuu ahaa basaas u shaqaynaya Faransiiska. Maxkamadda ayaa markii denbi akhriday eedihiisa waxayna ugu danbaystii soo saartay inay ku xukuntay deldelaad ka dib markii uu si buuxda ugu cadaaday denbiga lagu soo oogay.

Daayeerkan ayaa la sheegay markii maxkamadda la keenay in aanu isagu warba u hayn waxa meesha ka socda. Markii xaakinku is taagay ee ku dhawaaqay dilkiisa marnaba dareenkiisu muu ahayn mid ka bedelan kii markii hore ee la keenay maxkamadda.

fariin noogu reeb