Hargeysa(Xogside)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhambaal hambalyo ah u dirtay dalka Barbados oo dhawaan madax-bannaanidiisa ka qaatay Boqortooyada Ingiriiska oo muddo dheer xukumaysay.
War-murtiyeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda JSL, ayaa lagu sheegay JSL ay soo dhaweynayso guusha taariikhiga ah ee ay madax-bannaanidooda ka gaadheen shacbiga Barbados. Waxa kaloo ay bogaadisay Madaxweynaha cusub ee dalkaasi , Mrs. Dame Sandra Mason oo ay tilmaantay inuu xil culusi fuulay.
Xukuumadda JSL waxay dalkaasi u rajaysay inay gaadhaan horumar dhaqaale iyo mid bulsheed.
Waxa kaloo xukuumadda Somaliland ay u halgami doonto isla markaana garab taagan tahay dawladda Barbados oo ka midho dhalisay halgankoodii ku wajahnaa madax-bannaanida ay muddada dheer doonayeen. Waxaanay xukuumadda JSL ku sifaysay madax-bannaanida Barbados bog cusub oo u furmay dalkaas oo muddo dheer sugayey xornimo.
Barbados waa jasiirad ku taalla Kareebiyaanka, waxana dadkeeda lagu qiyaasaa 285,000 oo qof, iyadoo cabirka dhulkooduna yahay 430km oo isku wareeg ah.
Xukuumadda Somaliland oo Bogaadisay Madax-bannaanida ay qaateen dalka Barbados