Booliska Muqdisho oo howlgal culus ka sameeyey labo degmo

0

Booliska Muqdisho oo howlgal culus ka sameeyey labo degmo

Xogside Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay howlgal culus ka sameeyey qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, gaar ahaan degmooyinka Yaaqshiid iyo Warta Nabadda.Booliska Muqdisho oo howlgal culus ka sameeyey labo degmo

Howlgalladan ayaa waxaa lagu xaqiijinayey ammaanka, ayada oo lagu soo qab-qabtay rag u badan dhalinyaro, kuwaas oo lagu tuhmayo falalka amni darrada ah.

Dhalinyarada qaar ayaa la sii daayey, kadib baaritaano ay ku sameeyeen ciidamada ammaanka, halka kuwa kalena la geeyey saldhigyada Booliska ee labadaasi degmo.

Ciidamada ayaa sidoo kale baarayey gaadiidka iyo xaafadaha qaar ee degmooyinka howlgalka laga sameeyey, si loola socda dhaq-dhaqaaqa guud.Booliska Muqdisho oo howlgal culus ka sameeyey labo degmo

Ujeedka ayaa ahaa mid ay ciidamada ammaanka ugu kuurgaliyeen ammaanka Yaaqshiid iyo Warta Nabadda, sida ay shaaciyeen saraakiisha hoggaamineysa howlgalka.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen saraakiishu inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyadaan, inta la xaqiijinayo amniga caasimadda magaalada Muqdisho.

Guddoomiyeyaasha labada degmo ee howlgallada laga sameeyey oo qayb ka ahaa baaritaanada ayaa u mahadceliyey ciidamada ammaanka iyo deegaanka ee la shaqeeyey.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyey howlgallada ka socda caasimada, kuwaas oo lagula dagaalamayo burcadda hubeysan iyo ciyaal weerada.Booliska Muqdisho oo howlgal culus ka sameeyey labo degmo

Booliska Muqdisho oo howlgal culus ka sameeyey labo degmo

war celin