Ciidammada Ammaanka ee gobolka Sanaag ayaa gacanta ku dhigay 7 qof oo si sharci darro ah uga dhuxulaysanayey deegaanka Durdur ee degmada Ceerigaabo.

waxa kaloo lagu qabtay Gaadhigii ay dhuxusha ku soo rareen.

Badhasaabka Gobolka Sanaag Eng. Axmed Cismaan Xasan, ayaa sheegay in 7 nin sharciga la horgeyn doono, maadaama oo ay sifo sharci darro ah uga dhuxulaysanayeen gobolka oo hore looga mamnuucay dhuxulaysiga. Badhasaabka Gobolka Sanaag, Eng. Waxa uu sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo lagu qabto waxyeeleynta deegaanka dabiiciga ah.

Badhasaabku waxa uu u soo jeediyey dadweynaha gobolka inay ciidammadda ammaanka kala shaqeeyaan ciddii waxyeelaynaysa deegaanka dabiiciga ah.

war celin