Ciidanka Booliska Ee Gebilay Oo Soo Qabtay Khamri

0

Ciidanka booliska ee Gobolka Gabilay ayaa soo bandhigay khamri ay kusoo qabteen deegaanka Allay baday ee gobolkaasi.

Khamrigan ayaa la qabtay iyadoo dalka laga soo galinayo xuduudda u dhaxaysa Itoobiya iyo Somaliland, kaasoo lagu soo qaaday baabuur khudradda lagu keeno. Khamrigan oo tiro ahaan dhamaa 38 xabbo ayaa ay ciidanku gacanta kusoo dhigeen, iyadoo eedaysanayaashiina gacanta lagu hayo.

Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliiska ee Gobolka Gabilay Gaashaanle Sare Cabdi Xasan Cismaan  ayaa sheegay in Ciidanka degmada Allaybaday uu ku ammaanan yahay hawlgalka ay kusoo qabteen maadooriyahaasi, waxaana uu bulshada ugu baaqay inay ka taxaddaraan ka ganacsiga mukhadaaraadka oo dalka iyo diintaba mamnuuc ka ah.

Taliye ku xigeenku waxa uu intaas ku daray in ciddii aragta maandooriye lasoo gelinayo dalka ay lasoo socod siiyaan hayadaha amniga, isagoo tilmaamay inay gacan bir ay ku qaban doonaan cidkasta oo isku dayda inay dalka soo geliso maandooriye nooc kasta oo uu yahay.

Ciidanka Booliska Ee Gebilay Oo Soo Qabtay Khamri

war celin