Wararka ka imanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in qarax miino ah ku dhinteen 8 ruux oo rayid ah halka 2 kalana ay ku dhaawacmeen meel u dhexeysa deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug.

Dadka ku dhintay qaraxan ayaa waxaa ka mid ahaa saddex caruur ah, oo da’dooda la sheegay inay u dhaxeyso saddex illaa shan sano jiro.

Sidoo kale wararka ka imanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in gaadhi kale ay miino kula qaraxday deegaanka Camaara iyadoo gaadhigaasina ay ku dhaawacmeen saddex ruux oo saarnaa.

Gaadhigan ayaa waxaa watay ganacsato qaadka iib geyneysay deegaano ka mid ah gobolka Mudug.

Deeganada ay qaraxyadan ka dhaceen oo ah kuwo dhawaan laga saaray maleeshiyada Al-Shabaab, waxaana muddoyinkaan ka socday howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Qaraxyada miinooyinka ayaa ku soo badanaya deegaanada laga saaray ALshabaab iyadoo dhawaan qarax miino lala eegtay gawaadhi ay saarnaayeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada waxaana ku geeriyooday mid kamid ah saraakiisha cidamada dowlada.

war celin