Kenny A. Troutt  Waa nin Maraykan oo ku dhashay sanadkii 1948 Mount Vernon, ee dalka dakaasi. Waxa uu ahaa sabool inta badan qaban jiray shaqooyin halis ah si uu kharashka waxbarashadiisa u bixiyo.  Jaamacadda Southern Illinoir oo uu dhigan jiray waxa uu ka baxay isagoo naftiisa rahmaad u dhigay inuu kharashka waxbrashadiisa soo celin doono. Sanadkii 1988 waxa uu asaasay shirkadda Excel Communications, oo ahayd shirkad isgaarsiineed oo fadhigeedu yahay Texas oo bixisa adeegga taleefanka masaafada dheer.

Shirkaddan ayaa noqotay shirkad caan ah oo baahi weyn loo qabay isla markaana heshay macmiil fiican. Laakiin Sanadkii 1996 ayay shirkadani noqotay mid ka mid kuwa ugu caansan dalkaasi,

Excel markii ay caan noqotay waxa laba sano ka dib oo ah sanadkii 1998, ka iibsaday shirkad lagu magacaabo Teleglobe, waxaana ay ku iibsatay lacag gaadhaysa 3.5 bilyan doller.  Sanadka 2021 warbixinta Forbes waxa ay sheegtay in hantidiisa saafiga ahi ay gaadhayso  $ 1.5 (Hal bilyan iyo badh Doller).   Dadaalka uu ku bixiyay aqoonta ayaa keenay inuu ka baxo saboolnimada oo ka mid noqdo maalqabeenada sare.

 

war celin