Dadweyne careysan oo xidhay waddo ku taalla Muqdisho

0

Dadweyne careysan oo xidhay waddo ku taalla Muqdisho

Xogside Darawallada gaadiidleyda ka shaqeeya dekedda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa maanta dhigay dibad-bax ballaaran oo ay uga cabanayaan dhibaato ay sheegeen inay ku hayaan askarta dowlada Soomaaliya ee ku sugan caasimada.Dadweyne careysan oo xidhay waddo ku taalla Muqdisho

Dibad-baxa ayaa ka dhashay dil maanta loo geystay darawal ka soo baxay dekedda oo waday gaari xamuul ah, kaas oo uu rasaas ku furay askari ka tirsan ciidamada dowladda.

Darawallada oo ka carooday dilka marxuumka ayaa xirtay waddalada Fintu una October, halkaas oo ay dhigeen dibad-bax weyn oo cabasho ah.Dadweyne careysan oo xidhay waddo ku taalla Muqdisho

Qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in marxuumka loo dilay bixinta lacag baad ah darteed, sida u hadalka u dhigeen.

“Ninkii labaad waayey oo nagala diloobo, ninkii dilayna wuu baxsaday, wixii lagu dilay ayaana laga rabaa,” ayuu yiri mid ka mid ah darawallada ka shaqeeya dekedda weyn.

Sidoo kale waxa ay darawalladaani baaq culus u direen dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ka dalbadeen inuu wax ka qabto arrintaan.

“Laga soo bilaabo Taleex illaa dekedda waxaa taagan askar, haddaadan lacag siinin inay ku dilaan oo gaariga kaala dagaan oo ku garaacaan waayey, Mudane madaxweyne codsi iwaayey arrintaan wax ka qabo,” ayuu yiri darawal kale ka hadlay goobta dibad-baxa.

Inta badan ciidamada dowladda ayaa dilal ka geysta magaalada Muqdisho, xilliyada ay marayaan waddooyinka waa weyn ee ku dhex-yaalla gudaha.Dadweyne careysan oo xidhay waddo ku taalla Muqdisho

Dadweyne careysan oo xidhay waddo ku taalla Muqdisho

war celin