Dareenka Caruurta Ee Dhismaha Qoyska

0
Dareenka Caruurta Ee Dhismaha Qoyska

Xogside – Marka ilmaha yari uu ku dhex koro qoyskooda dhexdiisa, waxa ay taasi siisaa dareen iyo fikir wanaagsan, waxaana ay halkaasi noqotaa meesha ay caruur badani ka bilaabeen curinta iyo wax soo saarka. Laakiin haddana dhinaca kale waxa jira caruur badan oo waayay koritaankii waalidnimo oo haddana dunida caan ka noqday. Ubadkaasi oo la koray qoysas aan ahayn waalidintooda.Dareenka Caruurta Ee Dhismaha Qoyska

Madaxweynihii 42aad ee Maraykanka Bill Clinton ayaa la sheegay inuu aabihii dhintay isagoo yar isla markaana ay hooyadiina ka safartay. Clinton waxa korisay ayaydii . Waxaana la sheegay in markii uu gaadhay 15 sano ay hooyadii soo noqotay iyadoo guursatay nin lagu magacaabi jiray Roger Clinton.Dareenka Caruurta Ee Dhismaha Qoyska

Waxaana la cadeeyay in magaca Clinton uu ahaa magaca qoyska hooyadii uu dhaxday ee aanu ahayn magacii aabihii. Sidaa darteedna isagoo ku soo barbaaray noloshaasi aan waalidku shaqo ku lahayn haddana waxa uu noqday nin caan ah oo gaadhay ilaa heer madaxweyne dawladda dunida ugu weyn ee Maraykanka.Dareenka Caruurta Ee Dhismaha Qoyska

Waxa Iyana jirta in madaxweynihii hore ee dalka South Africa Mr.Nelson Mandela uu leeyahay qisas cajiib ah.

Nelson aabihii waxa uu dhintay isagoo yar, taasi oo keentay inay hooyadii awoodi weydo korintiisa, isla markaana ay u dhiibtay qoyskii ku jiray qasrigii great palce. Waxaana muddo dheer Mandela xanaanayn jiray nin lagu magacaabo  Jongintaba Dalindyebo isagoon hooyadiina arag. Haddana waxa uu noqday ninka dadka madow ee koonfur Africa caanka ka noqday ee gaadhay madaxweyne, isla markaana halganka u galay inay dadkiisu ka xoroobaan gumaysigii cadaanka. Inkasta oo nolosha waalidnimo ay muhiim u tahay ubadka, taasi oo keenta inay ku dhiirgeliso inuu ku daydo dadka horumarka sameeyaan, haddana dhinac kale kuwa nolosha adag ku korayna waxa ay mar kasta isku dayaan in ay nolosha kelida ay soo xidhaan oo  la yimaaddan horumar ashqaraar iyo yaab ku rida bulshada.

Dareenka Caruurta Ee Dhismaha Qoyska

war celin