Dawladda Hoose Ee Berbera Oo Olole Nadaafadeed Fulisay

0

Dawladda hoose ee degmada Berbera oo kaashaynaysa dhalinyarada ciyaartoyada ah ee degmadaas ayaa olole nadaafadeed ka fuliyay garoonka kubadda cagta ee magaaladaasi, kaasoo dhawaan lagu qaban doono tartan kubadda cagta ah.

Qaar ka mida ciyaartoyada magaalada Berbera ayaa oo qayb ka ahaa olalahaas ayaa sheegay in arrintaasi tahay talaabo dhanka horumarka iyo dhiirigelinta ciyaaraha ay u qaadeen maamuka degmada Berbera.

Maayarka degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan Ciddin ayaa sheegay in dawlada hoose ee degmadaasi diyaar u tahay in ay kobciso kubadda cagta ee degmadaas, waxaanuu intaas ku daray in arrintaas ay ugu diyaar garoobayaan ciyaaraha dhex mari doona gobolada dalka oo dhawaan degmada Berberi ay marti gelin doont.

Ugu dambayn guddoomiyaha gobolka Saaxil Axmed Maxamed Xasan ayaa u sheegay in maamulka gobolkaasi kaalintiisa ka qaadanaayo arrimaha la xidhiidha horumarinta gobolka, kuwaas oo ay ka mid yihiinn dhiiri-gelinta dhalinyarada iyo kobcinta xirfadda kubadda cagta.

Dawladda Hoose Ee Berbera Oo Olole Nadaafadeed Fulisay

war celin