Dawladda Hoose Ee Caasimadda Hargeysa Oo Raaligelin Ka Bixisay Cabasho Kasoo Yeedhay Darawallada

0

Hargeys (Xogside) – Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa ayaa raaligelin ka bixisay cabasho kasoo yeedhay qaar ka mid ah darawallada gaadiidlayda tagaasida Caasimadda Hargeysa.Maayarka caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge

Maayarka caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa raaligelin ka bixiyay cabasho shalay kasoo yeedhay qaar ka mid ah darawallada tagaasida ee caasimadda, kuwaasoo ka cawday in aan hore loogu baraarujin wakhtina loo siin cashuur sannadeed ay kusoo rogtay dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa.

Waxaana uu Maayarku intaas ku daray in laga bilaabo maanta ay haystaan darawallada tagaasidu muddo afar cisho ah oo ay cashuurta ku waajibtay ay ugu diyaar garoobaan.

Maayarku waxa uu talooyin wax ku ool ah u soo jeediyay dhinacyada cashuuraha u ururiya dawladda hoose ee Hargeysa, oo uu faray in bulshada ay si degan ula macaamilaan, isagoo dhanka kalena u soo jeediyay bulshada inay si kalsan cashruurta ku waajibtay ay iskaga bixiyaan, si wax loogu qabto hadda iyo mustaqbalka.

Dawladda Hoose Ee Caasimadda Hargeysa Oo Raaligelin Ka Bixisay Cabasho Kasoo Yeedhay DarawalladavDawladda Hoose Ee Caasimadda Hargeysa Oo Raaligelin Ka Bixisay Cabasho Kasoo Yeedhay Darawallada

war celin