Dawladda Hoose Ee Degmada Balligubadle Oo Fulisay Olole Nadaafadeed

0

Dawladda hoose ee degmada Balligubadle ayaa maanta olole nadaafadeed oo ballaadhan ka fulisay xaafadaha kala duwan ee ay ka kooban tahay degmadaasi, gaar ahaan dhinaca xuduudka Itoobiya iyo Somaliland.

Ololahan ayaa waxa ka qayb galay masuuliyiinta gobolka iyo ka degmada Ballagudle, haween weynaha iyo dhalinyarada degmada, waxaana lagu beegsaday goobaha ay qashinka iyo xashiishku ay yaaleen.

257906760 1542515902815349 3760349996486855266 n

Ugu horreyn, waxa goobtaasi ka hadlay Maayarka degmada Balligubadle Maxamed Cabdi Muxume shiine iyo xubin ka mid ah golaha deegaanka ee degmadaasi, waxaana ay sheegeen in ololahan ay ugu talogaleen sidii ay ugu ururin lahaayeen qashinka iyo xashiishka ay soo saarto magaaladu, iyagoo ugu baaqay bulshada inay laga feejignaado xashiishak iyo qashinka, isla markaana laga wada shaqeeyo sidii loo illaalin lahaa badqabka guud ee bulshada.

Isu duwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee gobolka Hawd Axmed Cali Idirise iyo xoghayaha dawladda hoose ee degmada Balligubadle Maxamed Faarax Sugaal ayaa iyana sheegay in hawsha nadiifinta degmadu ay tahay dedaallada la rabo in kor loogu qaado caafimaadka guud ee bulshada, waxaana ay ugu baaqeen qaybaha kala duwan ee bulshada in laga hortago qashinka iyo wasakhada ka hor intaanay biirin, iyagoo tilmaamay in diinta iyo dhaqanku ay dhiirrigeliyeen nadaafadda.

258196270 1542519032815036 4164532506098106330 n

Waxaana gebogebadii ay u mahadceliyeen ururrada kasoo qayb galay ololahaasi nadiifinta ahaa.

Dawladda Hoose Ee Degmada Balligubadle Oo Fulisay Olole Nadaafadeed

war celin