Dawladda Hoose Ee Degmada Sallaxlay Oo Waddooyin Furtay

0

Dawladda hoose ee degmada Sallaxlay ee gobolka Maroodijeex ayaa bannaysay qaar ka mid ah waddooyin ay xidheen geedka Garanwaaga iyo Tiinka loo yaqaanno.Dawladda Hoose Ee Degmada Sallaxlay Oo Waddooyin Furtay

Xoghayaha fulinta e e dawladda hoose ee degmada Sallaxlay Muxyaddiin Cabdillaahi Axmed ayaa sheegay in ololahan ay ku bannaynayaan jidadkii xidhnaa ee ay gooyeen garanwaagga iyo tiinku, isagoo xusay inay bannayn doonaan waddo kasta oo muhiim u ah isku socodka bulshada degmada Sallaxlay, waxaana uu ugu baaqay dadka inay illaashadaan waddooyinka ka hor intaanay dhirtu ku bixin.

Qaar ka mid ah xubnaha golaha deegaanka ee degmada Sallaxlay ayaa dhankooga sheegay iyana inay dawlad hoose ahaan ay ku dedaalayaan sidii wax looga qaban lahaa kaabayaasha bulshada ee ay ugu horreeyaan waddooyinka, iyagoo xusay in kaalin weyn ay ka qaataan waddooyinku horumarka bulshada.

Taliyaha ciidanka booliska ee degmada Sallaxlay ayaa isna sheegay in waddooyinkan ay banneeyeen ay u muhiim u ahaayeen isku socodka degmada, waxaana uu ku baaqay in laga taxaddaro isla markaana inta uu yar yahay la jaro geedka Garanwaagga, oo uu tilmaamay inuu xawli u karo, isla mar ahaantaana uu ku xidhay dhul ballaadhan muddo kooban.

Dawladda Hoose Ee Degmada Sallaxlay Oo Waddooyin Furtay

war celin