Dawladdaha Somaliland iyo Itoobiya oo ka wada hadlay Horumarinta Farsamada Gacanta

0

Dawladdaha Somaliland iyo Itoobiya oo ka wada hadlay Horumarinta Farsamada Gacanta

Xogside Wefti ka socda wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, oo maalmihii u danbeeyay hawlo shaqo u joogay dalka Itoobiya, ayaa kulamo kala duwan la qaatay madaxda sar sare ee jaamacada  farsamada  gacanta  dalka Itoobiya.Dawladdaha Somaliland iyo Itoobiya oo ka wada hadlay Horumarinta Farsamada Gacanta

Madaxda    Somaliland iyo masuuliyiinta sar sare ee Jaamacadda farsamada gacanta   ee General Wingate Polly Technical Institute, oo ku taalla magaalada caasimada ah ee Adis-ababa.ayaa isla gartay iskuna raacay in ay iska kaashadaan dhanka waxbarashada farsamada gacanta

Wasiir ku xigeenka wasaaradda   waxbarashada iyo sayniska Somaliland Dr. Cabdixakiin Siciid Bustaale, oo hoggaaminayay weftiga wasaaradda ayaa kormeer indho indhayn ah ku soo maray qaybaha kala duwan ee ay jaamacaddaasi ka kooban tahay iyo adeegyada dhanka farsamada gacanta ee ay qabtaan.Dawladdaha Somaliland iyo Itoobiya oo ka wada hadlay Horumarinta Farsamada Gacanta

Adeegyada kala duwan ee farsamada gacanta ee Jaamacadaasi ay bixiso ayaa kala ah mechanical engineering, auto mechanical department construction department information technology study agro farming road construction biochemical technology iyo textile and garment making technology.Dawladdaha Somaliland iyo Itoobiya oo ka wada hadlay Horumarinta Farsamada Gacanta

Gabagabadii madaxda  Jaamacada farsamada gacanta ee dalka Itoobiya ayaa masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland ee booqashada ugu tegay u ballan qaaday in ay siin doonaan deeqo waxbarasho oo dhanka farsamada gacanta ah, waxaanay isla qaateen in la xoojiyo iskaashiga horumarinta dhanka xirfadaha ee labada dal.Dawladdaha Somaliland iyo Itoobiya oo ka wada hadlay Horumarinta Farsamada Gacanta

Dawladdaha Somaliland iyo Itoobiya oo ka wada hadlay Horumarinta Farsamada Gacanta

war celin