Ciidamada xoogga dalka Somalia ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey saldhigyo Al-Shabaab ay ku leeyihiin degaano ka tirsan gobolka Dhexe.

Howlgalka ayaa waxaa hoggaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage.

Sidoo kale ciidamada xoogga ayaa la wareegay degaanada kala ah War dhagax, War ciise, Gaal leef, Qoor dheere, Jilable iyo Cali Fooldheere oo katirsan gobolka shabeelada dhexe, iyadoo halkaasi ay Al-shabaab ku lahaayeen xarumo.

Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka ayaa sheegay in dab qabadsiiyeen xarumihii Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Warciise oo ay ku jirto Maxkamad ay halkaas ku lahaayeen

Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka Gaashaanle Sare Cali Xaashi ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka ay ku guuleysteen in Al-shabaab ay ka saaraan degaanada ay howlgalka ka wadaan, isla markaasna Al-shabaab halkaasi lagu gaar siiyay khasaaro xooggan.

war celin