dadweyanaha ku nool degmadaas ayaa waxay siteen calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo hal ku dhigyo ay ku muujinayaan xuska iyo waynaynta munaasibada soddon guurada qaranimada Somaliland, taas oo ku beegnayd 18 May sannadkii 1991-kii.

Ugu dambayan masuuliyiinta degmada Sheekh, saraakiil ciidan, duqaal, aqoon yahay iyo xubno ka tirsan qaybaha kala duwan ee bulsahada ayaa shacabka degmadaas ku nool ku bogaadiyay munaasibadaas, waxaanay u soo jeediyeen in ay ilaashadaan nabada iyo xasiloonida Somaliland ka jirtay soddonkii sanno ee u dambeeyay, isla markaana ay gacan siiyaan laamaha kala duwan ee ammaanka.

war celin