Dalka Zair oo wakhtigan loo yaqaano Kongo D.Republic ayaa bishii October 30, 1974 , 4:00 PM,  Galabnimo waxa lagu qabtay garoonka 20 May Stadium oo wakhtigan loo yaqaano Stade Tata Raphael stadium ciyaar feedhka miisaanka culus ah oo dhex martay feedhyahankii caanka ah George Foreman oo haystay horyaalka feedhka Adduunka iyo Mohamed Ali Kelley.

Ciyaartan waxa ka soo qayb galay daawadayaal gaadhaya 60,000 kun qof . Waxay ahayd mid aad loo sugayay lana xiisaynayay, maxaa yeelay G.Foreman aad ayuu uga cadhaysnaa Mohamed Kelay waxaana uu balan qaaday inuu feedh nafta kaga jari doono. Dad badan oo la taliyay Mohamed Ali Kelley  in aanu ninka la ciyaarin feedhkana kama yeelin.

Laakiin markii ciyaartu feedhku maraysay wareegii 8 aad ayuu si weyn u garaacay oo dhulka ugu tuuray. Waxaana tartankan loogu yeedhaa dhacdo ciyaareedkii ugu weyna qarningii 20 aad “arguably the greatest sporting event of the 20th century”.  Waxaana dad badani u arkayeen inay ahayd dhacdo is biimayn ah oo Ali Kelly ku dhaqaaqay laakiin geesinimadiisa iyo kalsoonidiisa uu ku hantay horyaalkaasi.

war celin