Maxkamadda gobolka Sool dhaarisay xubnaha cusub ee golaha degaanka ee degmada Laascaanood, iyadoo golahaasina ay doorteen maayar iyo ku xigeen hoggaamin doona degmadaasi.

fadhigaas goob joog ka ahaa guddoomiyaha gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, dhaarinta ka dib xildhibaanada waxay fadhi ay yeesheen waxay maayarka degmada Laascaanood ugu doorteen Cabdiraxiin Cali Qase sidoo kale waxay golaha degnaagka degmada Laascaanood maayar ku xigeen u doorteen Axmed Maxamed Cumar (Kowte).

Cabdiqani Maxamuud Jiidhe  guddoomiyaha gobolka Sool ayaa xubnaha cusub ee golaha degnaaka degmada Burco u soo jeediyay in ay ka shaqeeyaan sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen adeegyada kala duwan ee bulshada iyo horumarinta degmada Laascaanood, waxaanuu ballan qaaday in xukuumaddu la shaqayn doonto golaha degaanka cusub iyo hoggaanka ay dooorteen.

Waxaana madashii lagu dooranayay goob-joog ahaa Badhasaabka Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, Kuxigeenkiisa, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sool, Xoghayaha Dowlada Hoose iyo mayirkii hore ee Laascanood Cabdicasiis Taarwale.

war celin