Golaha wakiillada oo u Yeedhay Masuuliyiinta guddida Maamul Wanaaga

0
Golaha wakiillada oo u Yeedhay Masuuliyiinta guddida Maamul Wanaaga

Hargeysa (Xogside) – Guddida ilaalinta iyo dabogalka hantida hantida qaranka golaha wakiilada Somaliland ayaa kulan xogwareysi ah la qaatay masuuliyiinta Guddida Maamul wanaaga.Golaha wakiillada oo u Yeedhay Masuuliyiinta guddida Maamul Wanaaga

Gudoomiyaha guddida ilaalinta iyo dabogalka hantida qaranka ee golaha wakiilada Somaliland Xildhibaan Mustafe Khayreye ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedada kulankoodaasi, waxaanu gudoomiyuhu ugu horeyn uga mahadcileyey masuuliyiinta guddida maamul wanaaga, qaabka fiican u soo ajiibeen dalabkii guddi hoosaadkaas ilaalinta hantida qaranka.Golaha wakiillada oo u Yeedhay Masuuliyiinta guddida Maamul Wanaaga

Xildhibaan Mustafe Khayreye gudoomiyaha gudidaasi ilaalinta iyo dabogalka hantida qaranka golaha wakiilada Somaliland waxa kale oo uu xusay in masuuliyiinta maamul wanaaga ay ka wada hadleen howsha qaranka Somaliland u hayaan iyo qaabka uga howlgalaan hay’addaha kala duwan dawlada Somaliland.Golaha wakiillada oo u Yeedhay Masuuliyiinta guddida Maamul Wanaaga

Geesta kale gudoomiyaha hay’adda maamul wanaaga iyo ka hortaga Somaliland Liibaan Ismaaciil Buraale ayaa u mahadceliyay guddidaas ilaalinta iy dabogalka hantida qaranka ee golaha wakiillada Somaliland, waxaanuu xusay uu ay guddidaas warbixin ka siiyeen shaqada ay qaranka u hayaan, waxaanuu intaas ku daray in ay xildhibaanada guddidaas uga jawaabeen su’aalihii ay waydiiyeen.

Golaha wakiillada oo u Yeedhay Masuuliyiinta guddida Maamul Wanaaga

war celin