olaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta yeeshay fadhigii ugu horreeyay ee ay yeeshaan tan iyo markii ay doorteen shirguddoonka cusub.

Fadhigan oo uu shirguddoominayay guddoomiyaha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed
Guuleed ayaa lagaga hadlayay xubnaha guddida dib u eegista xeer hoosaadka golaha iyo in xoghaynta goluhu ay ku wareejiso mudanayaasha cusub dhokomantiyo iyo agab loogu talo’galay inay noqdaan hagayaasha shaqooyinka horyaalla xildhibaannada cusub ee golaha wakiillada.

Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Cabdirsaaq Khaliif ayaa alle ka baryay inuu golahan cusub ka dhigo mid dadka iyo dalka wax ku soo kordhiya isla markaana halkii kasii ambaqaada shaqooyinkii uu soo qabtay golihii kan ka horreeyay, isagoo ugu baaqay mudanayaasha cusub inay isku taxaluujiyaan sidii ay uga dhabayn lahaayeen waxay ka filayaan dadkii codkooda siiyay ee soo doortay.

Dhanka kale, guddoomiye Khaliif waxa uu sheegay in mudanayaasha cusub ee golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland laga rabo xilgudasho badan, waxaana uu intaas raaciyay inay dedejin doonaan shaqada golaha wakiillada, iyadoo lagu bilaabi doono ayuu yidhi shaqada xeerarka kasoo noqday golaha guurtida ee u baahan in la horkeeno ee golaha wakiillada. Gebagebadii guddomiyaha golaha wakiillada JSl Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa ka codsaday gole weynaha wada shaqeyn iyo in mid laga wada noqdo danta guud ee qaranka.

war celin