Guddida doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa magaalada Ceerigaabo kala kala diray gaadiidkii iyo hawl-daweeno gobolkaas ka fulin doona wacyigelinta doorashada.

waxa goobta hawl-wadeenadan laga kala diraayey hadal ka jeediyay guddoomiyaha gobolka Sanaag ee komishanka doorashooyinka Sharmaake Cabdilaahi Jaamac, waxaanuu sheegay in xubnahaasi ay degaanada hoos yimaada gobolka Sanaag ay ka fulin doonaan wacyigelin la xidhiidha ka qayb qaadashada doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha wakiillada iyo degaanka.

Ugu dambayn Cabdiraxmaan Dixood oo ka mida xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa sheegay in komishanku ku jiro diyaar garawgii ugu dambeeyay ee hawlaha qabsoomida doorashooyinka, waxaanu intaas ku daray in marka maalinta beri ah dhammaado ololuhu ay hadhay qabashadii doorashadu, waxaanu xusay in loo baahan yahay in komishanka gacan laga siiyo sidii doorashooyinkaasi ugu qabsoomi lahaayeen hannaan degan.

Cabdiraxmaan Dixood wuxuu xubnahaas u baxay wacyigelinta kula dardaarmay in ay ku dedaalaan sidii ay bulshada u fahansiin lahaayeen qiimaha ay doorashooyinka horumarka dalka u leeyihiin, isla markaana ay bulshada ku nool degaanada kala duwan ee gobolka Sannaag ku sugan ay gaadhsiiyaan fariimaha komishanka doorashooyinka qaranka ee ku saabsan ka qayb-qaadashada doorashada.

war celin