Guddida Joogtada Ah Ee Golah Guurtida Oo Kulan La Qaadatay Masuuliyiinta Rugta Ganacsiga

0

Guddida joogtada ah ee Golaha Guurtida ayaa maanta kulan la qaatay masuuliyiinta Rugta Ganacsiga ee Somaliland, oo ay su’aalo ka weydiiyeen shaqaada ay qaranka ugu igman yihiin.

Kulanka oo warbaahintu ay dibad joog ka ahayd, waxa markii uu soo dhammaaday warbaahinta si wada jir ah ula hadlay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahin iyo Guddoomiyaha Guddida joogtada ah ee Golaha Guurtida, Dayib Xasan Axmed, waxaana ay sheegeen inay ka wada hadlayeen shaqada Rugta Ganacsiga Somailand iyo waxa u qabsoomay intii ay jirtay.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ayaa ku bogaadiyay Guddida Joogatada ah ee Golaha Guurtida shaqada joogtada ah ee ay qaranka u hayaan, isagoo tilmaamay in rug ahaan ay kala shaqayn doonaan waxyaabaha quseeya labada dhinac.

Guddoomiyaha Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida ayaa sheegay inay kala hadlayeen Rugta Ganacsiga ee Somaliland arrimaha dhaqaalaha, maciishadda iyo maalgashiga Somaliland ee ganacsatada, waxaana uu tilmaamay in waxyaabaha ay ka wada hadleen ay u gudbin doonaan gole weynaha Guurtida, si looga doodo.

Guddida Joogtada Ah Ee Golah Guurtida Oo Kulan La Qaadatay Masuuliyiinta Rugta Ganacsiga

war celin