Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda, Jamhuuriyadda Somaliland, Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa saaka dhaariyay 81 xubnood oo ka mid ah 82-kii xubnood ee ku soo baxay doorashadii golaha Wakiillada dalka.
Munaasibada lagu dhaarinayay xubnaha cusub ee golaha Wakiillada waxa ka soo qayb galay, guddoomiyaha golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, guddoomiyihii hore ee golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax, masuuliyiinta saddexda Xisbi Qaran ee UCID Inj: Faysal Cali Wareebe, WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Kulmiye ahna wasiirka arrimaha guddaha Maxamed Kaahin Axmed, Taliyaha ciidanka Bileyska Somaliland Sareeye gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), wakiilka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland Stuart Brown, safiirka waddanka Taiwan Allen C. Loe, dublomaasiyiin ka socday safaarada Itoobiya, xubno kamid ah golaha Wasiirada iyo qaybaha kala duwan ururadda bulshada rayidka ah.
Ugu horayn guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed, inta aanu dhaarin xubnaha cusub ee golaha waxa uu u jeediyay qudbad dhinacyo badan taabanaysa, isagoo uga waramay taariikhda golaha loo dhaarinayo maanta, duruufaha ay ka soo dabaasheen golayaashii hore, waxaannu u hoga tusaaleeyay masuuliyadaha saaran ee looga fadhiyo gudashadeeda, sidoo kale waxa uu ku baraarujiyay xasaannada ay yeelanayaan iyo asbaabaha ay ku waayi karaan.
Guddoomiye Aadam Xaaji Cali ayaa golaha cusub kula dardaarmay in ay danta qaranka u guntadaan oo ay u diyaar garoobaan masuuliyad qaran, kana soo baxaan luuqadii olollaha ee kasbashada bulshada, haatana looga fadhiyo sidii ay u sii dhaqaajin lahaayeen hawlihii ay soo wadeen golihii hore ee wakhtigiisu dhammaaday, waxaanu ku boggaadiyay golihii hore xeerarkii ay qaranka u unkeen, isagoo golaha cusubna u rajeeyay in ay halkaa ka sii amba-qaadi doonaan.
Guddoomiyaha ayaa ku adkeeyay mudanayaasha in ay ka war-hayaan dadkii soo doortay, oo ay ku noqdaan, la fadhiistaan rajadoodiina aanay hungeyn ee ay ka dhabeeyaan. Geesta kale wuxuu u soo jeediyay golaha cusub in ay dhadhaarada kale ee qaranka si milgo iyo maamuus leh ula shaqayn doonaan. Guddoomiye Aadam ayaa golaha cusub ugu baaqay in ay isku ixtiraamaan iskuna hambalyeeyaan cidda hanata shir-guddoonka golaha Wakiillada.
Ugu danbayn waxa uu guddoomiyuhu gobol gobol u dhaariyay 81-kii xubnood ee golaha soo xaadiray, kuwaasi oo loo kala dhaariyay sidan, Maroodi-jeex, Togdheer, Awdal, Sool, Sanaag iyo Saaxil. Gaba-gabadii waxa uu goluhu guddo galay kal-fadhigiisii koowaad kaasi oo ay mudanayaasha la dhaariyay ku dooranayeen, xubnaha shir-guddoonka golaha hoggaamin doona muddada shanta sanno ah, hase ahaatee cabasho ka dhalatay xubintii ugu da’da weyned, ee shir-guddoomin lahaa tartanka shir-guddoonka oo sharaxnaa awgeed guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa soo jeediyay in uu golaha shir-guddoomiyo guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
Kadib markii ay aqbaleen dhinacyadii ay dhex maraysay doorashada shir-guddoonku, soo jeedintii guddoomiyaha Guurtida ayuu guddoomiyaha Maxkamadda Sarena aqbalay soo jeedintaasi, isagoo xusay in masuuliyadiisu ku ekayd markii uu iclaamiyay xubintii ugu da’da weynayd, isagoo sheegay in kal-soonida mar labaad la siiyay darteed iyo marxalada goluhu marayo awgeed uu shir-guddoominayo, maadaama qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland iyo wadajirku muhiim yahay, waxa uu guddoomiye Maxkamadda Sare u qabtay golaha tartankii shir-guddoonka, isagoo ay hareero fadhiyeen guddoomiyaha golaha Guurtida iyo guddoomiyihii hore ee golaha Wakiillada, kaasi oo uu ku guulaystay xilka guddoomiyaha golaha Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ay cod-gacan-taag ah siiyeen 42 mudane, halka ay gacanta u taageen Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) 39 mudane.
Guddoomiye ku-xigeenka koowaadna waxa ku guulaystay Siciid Mire Giire oo ay gacanta u taageen 41 mudane, halka Cumar Jaamac Faaraxna ay gacanta u taageen 40 mudane.
Guddoomiye ku xigeenka saddexaad waxa ku guulaystay Cali Xaamud Jibriil oo ay gacanta u taageen 43 mudane, halka Cabdinaasir Cismaan (Qodax ay gacanta u taageen 38 mudane.
Allaa Mahad leh.

war celin