Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gabilay Cali Cabdi Cabdilaahi oo uu weheliyo maayarka Gabilay Maxamed Amin Cumar Cabdi ayaa xadhiga ka jaray xanaanooyin ay hirgslisay dawlada hoose ee degmada Gabilay.

Xarumanhan xadhiga laga jaray ayaa dhamaa 4 xaruumood oo ah kuwa hooyada iyo dhallaanka. Waxaanay Xanaanooyinkaasi ku kala yaaleen  deegaamada  Lafta boqor, laaca, Odax iyo Caro gaduudan.

Masuuliyiintii halkaa ka hadashay ayaa kula dardaarmay bulshada iyo maamulka xarumahan in looga faa’iideeyo bulshada u baahan adeegyada caafimaadka. Gabgabadii shacabka deegaanadaasi ayaa uga mahadnaqay maamulka degmada iyo kan gobolka Gabiley wax qabadka ay u sameeyeen.

war celin