Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Golaha Wakiillada Somaliland Oo La Kulmay Madaxweynihii Hore Ee Finland

0

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada Somaliland Mudane Cali Xaamud Jibriil ayaa magaalada Helsink ee dalka Finland kula kulmay Madaxweynihii hore ee dalkaasi Miss Tarja Halonen.

Madaxweyne Miss Tarja Halonen ayaa si diiran u qaabishay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Somaliland, waxaana ay ka wada hadleen xidhiidhka   ay Somaliland la leedahay Finland oo ka mida wadamada   taageera geedi socodka dimuqraadiyada Somaliland.

Miss Halonen waxa ay ballan qaaday in Finland sii wadayso dhiirigelinta hayaddaha dimuqraadiga ah ee Somaliland oo uu ka mid yahay golaha   wakiillada Somaliland.

Guddoomiye  Cali Xaamud Jibriil  oo ka hadlay kulanka Madaxweynaha hore ee dalka Finland ayaa dhankiisa  uga mahadceliyay  Finland taageerada  ay u fidiso Somaliland , waxaana  uu sheegay Somaliland ay diyaar u tahay  la shaqaynta  beesha  caalamka.

Waxa  kale oo guddoomiye ku xigeenka golaha wakiillada  Somaliland la kulmay  guddoomiye xigeenka xisbiga  talada  haya  ee Finland Miss Tarja Kantola  oo  sida oo kale qaabilsan kaalmada  dibedda  iyo Kimma Kiljunen  oo ah guddoomiyaha  guddida  arrimaha  dibeda  ee Baarlamaanka  Finland ,waxaanay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Cali Xaamud Jibriil iyo madaxdani  isla   soo qaadeen  sidii  Somaliland looga taageeri lahaa adeegyada aas-aasiga ah .

Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Golaha Wakiillada Somaliland Oo La Kulmay Madaxweynihii Hore Ee Finland

war celin