Guddoomiye Xinif oo 50 Kun oo Dollar Qaybiyey

0
Guddoomiye Xinif oo 50 Kun oo Dollar Qaybiyey

Hargeysa-(Xogside):-Guddoomiyaha Hayadda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka Cabdikariim Axmed Maxamed(Xinnif) ayaa qadar lacag ah guddoonsiiyey konton haween ah oo kamid ah bulshada ku nool kaamamka barakacayaasha ah ee Hargeysa.Guddoomiye Xinif oo 50 Kun oo Dollar Qaybiyey

Haweenka lacagta la guddoonsiiyey ayaa in muddo ah lagu tababarayey sida loo abuuro ganacsiga, iyada oo shalayna lagu abaal mariyey lacag dhan kun dollar (USD 1000) halkii qofba.Guddoomiye Xinif oo 50 Kun oo Dollar Qaybiyey

Guddoomiye Xinif ayaa haweenka kula dardaarmay in abuuran ganacsiyo si ay u horumariyaan noloshooda, waxaanu sheegay in dawladdu ka warhayn doonto kana hawlgeli doonto  sidii xal waara lagu heli lahaa bulshada danyarta ah eek u barakacay gudaha dalka

“Haddii ay idin suuragasho isku day in aad shirkaddo yaryar ku samaysataan, haddii ay idinku adkaatana qofkastow wax aad haysato ILLAHAY la hoos gal oo sadaqada ka bixiya  kuna ducaysta in ALLE idin barakeeyo” ayuu yidhi

Tobabarka ayaa waxa fulisay hayadda TAAKULO, waxaana mashruucan lagu caawinayo bulshada nugul maal gelisay ha’yadda PLANGuddoomiye Xinif oo 50 Kun oo Dollar Qaybiyey

Guddoomiye Xinif oo 50 Kun oo Dollar Qaybiyey

war celin