Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi (Cirro) ayaa dhanbaal hambalyo ah oo ku Saabsan Munaasibadda Ciidul Adxa u diray Shucuubta islaamka iyo Shacbiga Somaliland.

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ayaa iftiimiyey Fadliga ay leeyihiin Tobankan cisho ee aynu ku jirno, oo uu ku sheegay Toban cisho oo Khayr badan, Waxaanu Shacabka Somaliland ka dalbaday inay ka war hayaan dadka danyarta ee Jilicsan si ay Farxada ciida inoola wadaagaan.

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi (Cirro) wuxuu Ilaahay ka baryay inuu Sannadkan kiisa inagu gaadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo.

war celin