Guurka: Maxay dumarka Hindiya sooryada u siiyaan ragga guursada?

0
Guurka: Maxay dumarka Hindiya sooryada u siiyaan ragga guursada?

xogside – Bixinta sooryada la siiyo caruuska ee tuulooyinka Hindiya ayaa soo jirtay tobanaankii sano ee la soo dhaafay, sida lagu sheegay daraasad uu sameeyay Bankiga Adduunka.Guurka Maxay dumarka Hindiya sooryada u siiyaan ragga guursada

Baarayaasha ayaa qiimeyn ku sameeyay 40,000 oo guur oo ka dhacay baaddiyaha Hindiya intii u dhaxeysay 1960 iyo 2008.

Waxay ogaadeen in sooryo la siiyay 95% ragga arooska galay, inkastoo ay sharci darro ka ahayd Hindiya tan iyo sanadkii 1961.

Dhaqankan, ayaa aalaaba loo arkaa mid xun, balse waa mid si aad ah u jira oo haweenka u nugleeya tacaddiyo iyo xitaa dhimasho.

Bixinta iyo qaadashada sooryada waa dhaqan qarniyo soo jiray oo looga dhaqo Koonfurta Aasiya, halkaas oo waaliddiinta caruusadda ay lacag, dhar iyo dahab guddoonsiiyaan qoyska caruuska.

Daraasadda ayaa waxaa lagu saleeyay xogta sooryada oo laga soo ururiyay 17 gobol oo Hindiya ku yaalla oo ay ku nool yihiin 96% bulshada dalkaas. Waxay diiradda saareen baaddiyaha Hindiya maaddaama inta badan Hindida ay weli ku nool yihiin tuulooyinka.

Dhaqaala-yahannada S Anukriti, Nishith Prakash iyo Sunghoh Kwon ayaa adeegsaday warbixinta laga helay qiimaha haddiyadaha iyo lacagta la bixiyay amaba la qaatay xilligii guurka.

Waxay qiimeeyeen haddiyadaha ay qoyska caruusaddu siiyeen qoyska caruuska iyo kuwa ay qoyska caruusku siiyeen kan caruusadda. Waxaa la ogaaday in qoysas yar oo kuwa caruuska ah uun ay haddiyado badan bixiyeen.

Waxay ogaadeen in qiimaha sooryada ay ahayd mid aan is beddelin in muddo ah, marka laga reebo sicir barar ku yimid kahor sanadkii 1975 iyo kaddib sanadkii 2000.

Baarayaasha ayaana ogaaday in qoyska caruuska ay celcelis ahaan ilaa 5,000 rubi oo u dhiganta 67 dollar ay ku bixiyaan haddiyadaha ay siiyaan qoyska caruusadda.

Haddiyadaha qoyska caruusadda, ayaa toddoba jeer ka badan intaas waxayna gaareysaa qiyaastii 32,000 rubi ($429).

Sooryada waxaa laga bixiyaa qeyb ka mid ah keydka guriga iyo dhaqaalaha: sanadkii 2007, celcelis ahaan qiimaha sooryada wuxuu 14% ka ahaa dakhliga sanadlaha ah ee qoysaska Hindiya.

Guurka Hindiya

Waalididinta ayaa dowr muhiim ah ka cayaara doorashada caruusadda/caruuska – in ka badan 90% aroosyadii sanadkii 1960 iyo 2005, waaliddiinta ayaa isu doora lammaanaa

Waxaa aad u yar heerka furriinka oo lagu qiyaaso 1%

In ka badan 90% lammaaneyaasha waxay guurka kaddib la noolaadaan qoyska ninka

In ka badan 85% haweenka waxay guursadaan qof ku nool meel tuuladooda ka baxsan

78.3% aroosyada ayaa ka dhaca isla degmada

Wax badan ayaa Hindiya iska beddelay intii u dhexaysay sanadkii 2008 iyo hadda. Balse baarayaasha ayaa sheegay inaysan farqi badan u dhaxeyn bixinta sooryada xilligii hore iyo hadda.Guurka Maxay dumarka Hindiya sooryada u siiyaan ragga guursada

Daraasadda ayaa sidoo kale lagu ogaaday in bixinta sooryada ay ka dhex jirto dhammaan bulshooyinka diimaha kala duwna heysta ee Hindiya. Waxaa xiiso leh, Kirishtaanka iyo kuwa Sikhs-ka ayaa bixiya sooryo badan, marka loo eego Hinduuda iyo Muslimiinta.

Arrin kale oo la ogaaday ayaa ah farqiga u dhaxeeya gobollada. Gobolka koonfurta dalkaas ku yaalla ee Kerala ayaa waxaa sare u kacay bixinta sooryada tan iyo sanadihii 1970-meeyadii, waxaana laga bixiyaa sooryada ugu badan sanadihii la soo dhaafay. Gobollada kale ee Haryana, Punjab iyo Gujarat ayaa sidoo kale laga diwaan geliyay sicir bararka. Dhanka kale, celcelis ahaan sooryada ayaa hoos u dhacday gobollada Odisha oo hore loo orna jiray Orissa, Galbeedka Bengal, Tamil Nadu iyo Maharashtra.

“Uma heyno jawaabo ku saabsan kala duwanaanshaha. Waxaan rajeyneynaa inaan baarno su’aashan markaan mustaqbalka baaritaanka sameyneyno,” ayuu yidhi Dr Anukriti.

Daraasad la daabacay bishii January, dhaqaala-yahannada Gaurav Chiplunkar iyo Jeffrey Weaver ayaa adeegsaday xog ay ka soo dheegteen in ka badan 74,000 aroos oo qarnigii ugu dambeeyay ka dhacay Hindiya.

Baarayaasha ayaa ogaaday in qeyb ka mid ah aroosyada Hindiya oo ay ku jiraan bixinta sooryada ay labo jibbaarmeen intii u dhaxeysay 1930 iyo 1975, celcelis ahaan qiimaha dhabta ah ee sooryaduna ay saddex jibbaarantay. Balse wixii ka dambeeyay 1975, waxaa hoos u dhacay qiimaha sooryada.

Waxay ku qiyaaseen in guud ahaan qiimaha sooryada Hindiya intii u dhaxeysay 1950 iyo 1999 ay ku dhowaatay rubuc tirilyan doollar.Guurka Maxay dumarka Hindiya sooryada u siiyaan ragga guursada

Guurka: Maxay dumarka Hindiya sooryada u siiyaan ragga guursada?

 

war celin