Waxaa maanta si rasmi ah qalinka loogu duugay heshiiska dayactirka Wadooyinka Puntland oo ku kacaya $7.4 milyan oo ay bixinayso Dowladda Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goobjoog ka noqday saxiixa heshiiska lagu dayactirayo Wadooyinka Puntland.
Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixday Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo bixinaysa lacagta iyo Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka oo fulinaysa.
Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa dhanka Maaliyadda u saxiisay heshiiska , halka dhanka W/Howlaha Guud iyo Gaadiidka u saxiixay Mudane Axmed Bashiir Muuse.
Sidoo kale waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Qorsheynta Dowladda Puntland Mudane Cabdiqafaar Xaange.
Wadooyinka la dayactirayo ayaa kala ah:
Juurile- Boosaaso
Qardho – Garoowe
Garoowe- Brita dheer
Garoowe-Falaryaale.
Qorshaha horumarinta kaabayasha dhaqaalaha wuxuu qeyb ka yahay siyaasada tayeynta iyo horumarinta Puntland, waxaana kharashka ku baxaya dhammaan dayactirka wadooyinka oo dhan $7.4 Million bixinaysa Dowladda Puntland.

 

war celin