Haro ku taalla dalka Swisterland  ayaa ah mid sheekadeedu dheer tahay. Haradan oo ku taalla tuulada Mitholz oo 211 km u jirta Jinefa ayaa lagu magacaaba harada ilmada.

Haradan ayaa laga dhex dhisay sanam taallo ah oo lagu metalayo gabadh. Iyagoo la sheegay in sababta sidan loo yeelay ay tahay in haradani ay ka timi oohintii gabadha uu ninkeedu dhintay oo aadna u jeclayd oo degenaa goobtaasi, taasi oo markii danbe roobkii iyo oohinteedi oo isku darsmay ay ka samaysantay haradani.

Harada waxa sanad kasta u soo dalxiis taga boqolaal qof oo dunida ka yimaada. Waxaana la sheegay in haradan biyaheedu ay  yihiin kuwo xagga dhadhanka la mid ah ilmada taasina ay sababta loogu bixiyay haradii ka samaysantay oohinta gabadha.

Dad kale waxay qabaan inay tahay sheeko khurafaad ah oo dadka lagu soo jiidanayo.

war celin