Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xilka ka qaaday Afar gudoomiye Degmo oo katirsan gobolka Banaadir.

Guddoomiyaasha xilalka laga qaaday ayaan si rasmi ah loo sheegin sababaha looga qaaday xilka.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha gobolka ayaa lagu sheegay in xilka laga qaaday;

1- Guddoomiyaha degmada Xamar Weyne Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir waxaana Maxamed Axmed Iidow oo ah guddoomiye ku xigeen.
2- Guddoomiyaha Kaaraan Abshir Maxamed Maxamuud Kaaraan. waxaa ku sime loo magacabay Deeq Xasan Shiiqow oo ah guddoomiye ku xigeenka degmada Kaaraan.
3- Guddoomiyaha degmada Waabari Cabdicasiis Cismaan Jaamac waxaana kusime sii noqonaya Jamaal Cali Maxamed.
4- Guddoomiyaha degmada Hiliwaa Cabdixakiin Cumar Cabdulle Waxaana xilka guddoomiyaha degmadaas loo magacaabay Mire Salaad Dhuxulow.

war celin