Amiirkii Bashiir Ashihaabi ee dalka Labnaan xukumi jiray horaantii qarnigii 19aad  (1840)  isla markaana ahaa Muslmiinta suniga ah ayaa maalin adeegihiisa ku yidhi :” waxaan doonaaya inaad Beed khudrad lagu shiilay ii samayso”.

Adeegihiisa ayaa ku yidhi :“ Allah hakuu barakeeyo Amiir, kaasi waa sayidka cuntooyinka, waa hilib aan baruur lahayn, waa Kaluun aanad arkayn, waxaad ku cuni malqaacad, waana cunto dhan”.

Amiirka ayaa haddana ku yidhi :” Laakiin dhowr maalmood ka hor waanigii cunay, markaa caloosha ayaan xanuun ka dareemay “.

Adeegaha ayaa ku jawaabay :” Nacadal haku dhacdo Beedka khudarada lagu shiilay, waa raashin culus, oo adag, waa kan cunto ugu liita”.

Amiirka oo yaaban ayaa ku yidhi :” Waa ku sidee, Raashinkii aad imika amaanaysay ayaad haddana islamarkiiba ceeb ka sheegaysaa”!.

Adeegaha ayaa ku yidhi :” Amiirkaygow, anigu adigaan kuu ahay khaadim, uma ahi Beedka, haddii amiirku shay amaano aniguna waan amaani, haddii uu dhaliilo aniguna waan dhaliili, wixii aad sax u aragto ayaan u arkaa wixii khalad u aragto aniguna khalad ayaan u arkaa!. Kalsooni daradu waxay ku dhacdaa dadka aan caqliga ka shaqaysiin ee hadba qofka ay la joogaan la midabka ah.

war celin