Komishanka xakamaynta Aids-ka oo tabobar u furay qaar ka mid ah shaqaalaha komishankaasi

0

Hargeysa (Xogside) – Agaasimaha Guud ee Komishanka Xakamaynta Cudurka Aids-ka Qaranka ayaa tababar u furay qaar ka mida shaqaalaha komishankaasi.Komishanka xakamaynta Aids-ka oo tabobar u furay qaar ka mid ah shaqaalaha komishankaasi

Waxaana ka soo qeyb galay furitaanki tababarkaasi Guddoomiyaha Hayadda Maamul Wananga, agaasimaha guud ee wasaarada xidhiidhka golayaasha iyo arimaha dastuurka.

Agaasimaha waaxada cududda shaqaalaha iyo tabobarada ee Komishanka Xakamaynta Cudurka Aids-ka Maxamed Jaamac Siciid Iyo Agaasimaha waaxad wacyigalinta wasaarada xidhiidhka golayaasha iyo arimaha dastuurka Maxamed Aadan Tubeec, ayaa sheegay in tabobarkan looga gol leeyahay in lagu baro waddaniyadda iyo dastuurka dalka shaqaalaha, kaasoo ay sheegeen inuu waajib ku yahay qofkasta oo u dhashay Somaliland.Komishanka xakamaynta Aids-ka oo tabobar u furay qaar ka mid ah shaqaalaha komishankaasi

Agaasimaha guud ee Komishanka Xakamaynta Cudurka Aids-ka Qaranka Axmed Cabdi Ismaaciil iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maamul Wanaaga Dayib Aadam oo goobta ka hadlay ayaa iyaguna geestooda sheegay in ay waajib tahay in la barto xeerarka dalka u yaalla si loo fahmo xuquuqda aad leedahay iyo midda qarankaagu uu kugu leeyahay.

Gabagabdii, khubarradi tabobarka bixinaysay ayaa ka qeyb galayaasha tabobarkaasi ku booriyay inay bartaan isla markaana ay xil iska saaraan muddada tababarkaasi socdo aqoonta lagu qaadanayo.

Komishanka xakamaynta Aids-ka oo tabobar u furay qaar ka mid ah shaqaalaha komishankaasi

Komishanka xakamaynta Aids-ka oo tabobar u furay qaar ka mid ah shaqaalaha komishankaasi

war celin