Home WARARKA DALKA SOMALILAND KULANKA WAXBARASHADA CIIDAMADA & MAXAABIISTA

KULANKA WAXBARASHADA CIIDAMADA & MAXAABIISTA

0
Wasaarada Waxbarashadda, Komishanka Tacliinta Sare iyo Talisyada ciidamada kala duwan (Ciidanka Qaranka, Booliiska, Socdaalka, Ilaaladda Xeebaha iyo Asluubta) ee Somaliland ayaa maanta yeeshay kulan biloodkii 2aad ee kor u qaadida waxbarashadda ciidamadda kala duwan iyo maxaabiista.
Waxaa halkaa lagu aasaasay guddi farsamo oo ka koobaan 10 xubnood oo kala metelaya dhinacyadda ay khusayso. Go’aamaddii la isla qaatay waxaa ka mid ahaa inay gudigaa farsamo soo diyaariyaan qorshaha mudada dhaw, dhexe iyo dheer.
Qorshahaas oo ka kooban horumarinta waxbarashadda ciidama iyo maxaabiista oo Wasaaradda Waxbarashaddu ay hawshan hogaaminaysaa ay kaga qayb qaadanayso
1. Macalimiin la geeyo xeryaha ciidamada oo wax u dhiga
2. Agab iyo qalab waxbarasho oo lagu taageero waxbarashadda ciidamadda
3. Deeq waxbarasho oo gudaha iyo dibaddaba ah oo saraakiisha ciidanka la siiyo iyo
4. Xarumo waxbarasho (Dugsi ama jaamacado) oo loo dhiso ciidamadda, gaar ahaana kuwa xeryaha miyiga iyo tuulooyinka degen
Waxbarashadda ciidamaddu waxay isugu jiri doontaa
1. Waxbarasho toos ah (Dugsi hoose ilaa jaamacad)
2. Farsamadda gacanta iyo waxsoosaarka (Sida dhismaha, kalluumaysiga, ICT, Dawaarka iyo dharka, tamarta qorraxda, biyo gelinta, midginta hargaha, iwm)
3. Waxbarashadda dadban (Akhriska iyo qoraalka, nijaaradda, biyogelinta, electricity, mechanic, media production, etc)
4. Qur’aanka iyo barashadda diinta
5. Milgaha Qaranka (Civic education)

NO COMMENTS

war celin

Exit mobile version